Connect with us

somalilandtoday.com

XOG: Salaadiinta beesha Habarjeclo oo la filaayo Inay ka jawaabto hadalkii Madaxweyne Muuse Biixi

focus

XOG: Salaadiinta beesha Habarjeclo oo la filaayo Inay ka jawaabto hadalkii Madaxweyne Muuse Biixi

XOG: Salaadiinta beesha Habarjeclo oo la filaayo Inay ka jawaabto hadalkii Madaxweyne Muuse Biixi

Salaadiinta, waxgaradka iyo gudida beesha habarjeclo, oo xalay shir ku yeeshay hotel Barkulan ee magaalada BURCO, Ayaa isku Afgartay inay Si Adag uga jawaaban, Hadalkii Madaxweynaha somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi ka jeediyey fagaaraha kheyriyada magaalada burco,kaas oo ku saabsana Jabhadii gacan libaax,taas oo madaxweynuhu Sheegay in sharciga la hor geyn doono Jabhadii Gacan,libaax iyo odayaashii magta u Qaaday Ciidamadii lagu laayey buurta gacan libaax

Shir ay caawa isugu yimaadeen badiba Salaadiinta iyo gudida beesha habarjeclo, isla markaana ay Wehelinayaan madaxda xisbiga wadani Ayaa laysla Af gartay 2 Qodob

1,inay salaadiinta beesha habarjeclo ka jawaabto Hadalkii madaxweynaha Somaliland

2,inay Salaadiinta beesha habarjeclo dib U Eegis ku sameeyaan Qodobadii shirka ceel-afweyn,isla markaana lays fahan siiyo isdiidooyinka siyaasadeed Ee Ururka Kaah Iyo Gudoomiyaha xisbiga wadani

Waxaana Qodobada lagu dari doona Sidii loo dhisi lahaa Gudoomiye xirsi iyo Ururka KAAH,

Sidoo kale salaadiinta Ayaa xoojin doona Sidii ay u meel marin lahaayeen qodobadii Shirka ceel-afweyn maadama Ay muuqatay in Xisbiga Kulmiye  kasbaday badiba Quluubta beelweynta Bariga burco isla markaana weli ku leeyahay Taageero Aan la dhayalsan karin.

More in focus

To Top