Connect with us

somalilandtoday.com

Diyaaradda aan duuliye lahayn oo lagu weeraray guriga raysal wasaaraha Israa’iil

focus

Diyaaradda aan duuliye lahayn oo lagu weeraray guriga raysal wasaaraha Israa’iil

Diyaaradda aan duuliye lahayn oo lagu weeraray guriga raysal wasaaraha Israa’iil

Diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ayaa waxaa lala beegsaday guriga ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ee ku yaalla Caesarea, wuqooyiga Israa’iil, sida uu sheegay afhayeenkiisu.

Netanyahu kuma sugnayn dhismaha, wax khasaare ahna kama dhalan, ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Milatariga Israa’iil ayaa goor sii horreysay sheegay in saddex diyaaradood oo nooca aan duuliyaha lahayn loo soo ganay dhanka magaalo xeebeedaan subaxnimadii hore ee Sabtida. Mid ka mid ah ayaa ku dhacday dhisme, halka labada kalena la qabtay, ayay sheegeen milatarigu.

More in focus

To Top