Connect with us

somalilandtoday.com

Raysal Wasaare ku xigeenka Soomaaliya oo ka horyimid xil ka xayuubintii lagu sameeyay

focus

Raysal Wasaare ku xigeenka Soomaaliya oo ka horyimid xil ka xayuubintii lagu sameeyay

Raysal Wasaare ku xigeenka Soomaaliya oo ka horyimid xil ka xayuubintii lagu sameeyay

Raysal Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Saalax Jaamac ayaa laga qaaday xubinnimadii Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo kursigaasi loo magacaabey xubintii kusoo xigtay ee kula tartantay oo ah Ibraahim Iidle Suleymaan.

Xoghayaha Aqalka sare ayaa sheegay in sababta uu Saalax Jaamac ku lumiyay Kursigan ay tahay kadib markii uu kasoo xaadiri waayay fadhiyada Golaha, sidaasna uu ku waayay xilkii.

Ninka loo magacaabey kursigan ayaa horey usoo noqday Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Soomaaliya.

Dhan kale Raysal Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Saalax Jaamac ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay xil ka qaadistii uu ku sameeyay Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi, isagoo ku sheegay sharci darro.

More in focus

To Top