Duuliye diyaaradda Turkish Airlines oo ka soo baxday dalka Mareykanka ayaa geeriyooday, kadib markii uu xanuunsaday, iyadoo diyaaradu hawada ku jirto.
Kabtaan Ilcehin Pehlivan oo 59 jir ahaa ayaa markii uu xanuunku ku soo booday waxaa diyaaradda la wareegay duuliyihii labaad iyo caawiyaha sida uu sheegay afhayeen u hadlay diyaaradda oo barta X soo dhigay qoraalka lagu xaqiijiyey geerida.
“Markii uu shaqeyn waayay gargaarkii degdeg ee duuliyaha la siiyay ayey shaqaalaha diyaaradda go’aansadeen in ay deg deg u dagaan, wuxuuna geeriyooday duuliyaha inta aysan degin diyaaradda” ayuu qoraalkiisa ku yiri.
Diyaaradda oo ah Airbus A350 waxay ku degtay garoonka diyaaradaha ee magaalada New York ee dalka Mareykanka, waxaana la qorsheynayaa in rakaabka la geeyo Turkiga.
Diyaaradu markii ay soo gashay dhulka Nunavut ee hawada Canada ayuu duuliyaha xanuunsaday, sida lau sheegay warbixinta.
Sababta keentay geerida duuliyaha ayaan weli sheegin, duulimaadkaas Seattle ayaa ku sii jeeday dalka Turkiga.
Duuliyayaasha waxay maraan baaris caafimaad 12-kii biloodba mar, iyadoo kuwa da’doodu ka weyn tahay 40-ka sano ay maraan baaris caafimaad lixdii bilood hal mar.
Waxay noqotay geeri deg deg ah oo halis gelisay walwalna ku abuurtay rakaabkii diyaaradda, waxaana socda baaritaan ku saabsan sababta geerida duuliyaha