Madaxweynayaasha waddamada Soomaaliya, Eritrea iyo Masar ayaa wada-hadallo cusub oo xasaasi ah ay maanta uga bilaabanayaan gudaha magaalada Asmar, halkaas oo uu shalay gaadhay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale isna maanta kusii jeeda Asmara, si uu uga qayb-galo wada-hadallada ka dhacaya Asmara, waxaana safarkan xaqiijiyey afhayeenka Al-Siisi.
Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in saddexda hoggaamiye ay ka arrinsan doonaan xaaladaha gobolka.
Warbaahinta ayaa ogaatay in Xasan Sheekh Maxamuud, Cabdifitaax Al-Siisi iyo Isaias Afwerki ay dhisi doonaan isbaheysi saddex geesood ah oo ay ku mideysan yihiin dalalka Soomaaliya, Masar iyo Eritrea oo haatan saddexdooda is hayaan Itoobiya.