Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweyne ku xigeenkii dalka Kenya oo xilkii laga qaaday, Maxay tahay sababtu?

focus

Madaxweyne ku xigeenkii dalka Kenya oo xilkii laga qaaday, Maxay tahay sababtu?

Madaxweyne ku xigeenkii dalka Kenya oo xilkii laga qaaday, Maxay tahay sababtu?

Xildhibaanada baarlamaanka Kenya ayaa shalay ansixiyay mooshin xilka looga xayuubinayo madaxweyne ku xigeenka Kenya, kaddib doodo maalmo socday.

Rigathi Gachagua, madaxwyne ku xigeenka Kenya ayaa ka soo muuqday baarlamaanka si uu iskaga difaaco eedo dhowr ah oo loo heysto oo ay ka mid yihiin, inuu taageeray dibadbaxyadiagaga soo horjeeday ee bishii June.

281-ka xubnood ee Baarlamanka Kenya ayaa ogolaatay mowshinka xil ka qaadista. Si xilka looga xayuubiyo madaxweyne ku xigeenka ,waxuu baarlamanka u baahanyahay 44 cod.

Mooshinkan ayaa hadda u gudbay aqalka sare ee baarlamaanka, iyagoo ka doodi doona arrintan, sidoo kalena cod loo qaadi doono.

Ma cadda goorta ay codbixintu noqon doonto kama dambeys. Madaxweyne ku xigeenka ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inuu ku lug leeyahay musuq maasuq iyo wax isdaba marin, Inkastoo uu eedahaasi iska fogeeyay.

More in focus

To Top