Connect with us

somalilandtoday.com

Israa’iil oo gantaallo ku dhufatay masaajid ku yaalla Gaza

focus

Israa’iil oo gantaallo ku dhufatay masaajid ku yaalla Gaza

Israa’iil oo gantaallo ku dhufatay masaajid ku yaalla Gaza

Ugu yaraan 5 qof ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay 20 kalana ku dhaawacmeen, kaddib marki ay millatariga Israa’iil duqeyn cirka ah la beegsadeen masaajid ku yaalla Gaza, aroornimadi hore ee Axadda maanta.

Goobjoogayaal iyo iyo saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay, in ay u badantahay in tirada dhimashada iyo dhaawaca ay intaasi ka badanaan karto, maadaamaa ay masaajidka ku noolaayeen dad kubarakacay dagaalka Gaza.

Bayaan kasoo baxay milatariga Isra’il ayaa lagu sheegay, in ay fuliyeen weerar sugan ku bartilmaameedsadeen koox ka tirsan Xamaas oo ay ku sheegeen in ay ka howlgalayeen masaajidka Shuhadada Al Aqsa ee deegaanka Deyral Balax.

Weerarkan ayaa imanaya xilli hal maalin ay ka hartay sannad-guurada koowaad ee dagaalka Gaza.

Israa’iil ayaa muddo sannad ah duqeyn iyo dagaal uu dhiig badan ku daatay ka wadda Gaza. Ilaha caafimaadka ayaa sheegay in duqeymaha Isra’il ee Gaza lagu dilay in ka badan 40,000 oo Falastiiniyiin ah.

Duullaanka Israa’iil ee Gaza ayaa ka danbeeyay, kaddib marki ay Xamaas weerartay koofurta Isra’il, 7-badi bishi October ee sannadki hore, halkaas oo ay ku dishay 1200 isla markaana kusoo aduubatay boqollaal Isra’iliyin ah.

More in focus

To Top