Connect with us

somalilandtoday.com

Biden oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee Soomaaliya

focus

Biden oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee Soomaaliya

Biden oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee Soomaaliya

Madaxweynaha dowladda Mareykanka Joe Biden ayaa si rasmi ah warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Safiirka cusub ee dowladda Soomaaliya u magacaawday dalka Mareykanka Daahir Xasan Carab.

Danjiraha Soomaaliya ee Washington Daahir Xasan Carab ayaa sheegay in madaxweyne Biden uu kala hadlay adkeynta xidhiidhka labada dal ee Soomaaliya iyo Mareykanka.

Danjire Daahir Carab ayaa sidoo kale sheegay inuu uga mahad celiyay dowladda Mareykanka taageeradeeda Soomaaliya ee dhinacyada amaanka, xuquuqul insaanka iyo bani’aadannimada iyo dhinacyada kale ee horumarinta.

“Madaxweyne Biden wuxuu balanqaaday in mar walba ay garan taagan yihiin Soomaaliya, ayna ka caawinayaan dhinacyada nabada,  horumarka, dib u dhiska iyo dowlad wanaaga” ayuu yidhi Danjire Daahir Xasan Carab.

More in focus

To Top