Connect with us

somalilandtoday.com

Ukraine oo weerarkii ugu weynaa ku qaaday Ruushka

focus

Ukraine oo weerarkii ugu weynaa ku qaaday Ruushka

Ukraine oo weerarkii ugu weynaa ku qaaday Ruushka

Ukraine ayaa Arbacadii shalay ku weerartay caasimadda Ruushka ee Moscow illaa 11 diyaaradood oo ah nuuca aanan duuliyaha laheyn, kuwaas oo uu Ruushku sheegay in difaacooda cirka uu burburiyay dhammaan diyaaradahaasi.

Dawladda Ruushka ayaa qirtay in weerarkaasi uu ahaa mid ka mid ah weeraradii ugu weynaa ee ay ciidanka Ukraine ku bartilmaameedsadaan Moscow, tan iyo markii uu billowday dagaalka Ukraine bishii Febraury ee sannadki 2022-ki.

Dagaalka u dhaxeeya Ruushka iyo Ukraine oo in muddo ahba dhinacyadu isu adeegsanayeen madaafiicda goobta, diyaaradaha aanan duuliyaha laheyn, iyo duqeymo cirka ah, isla markaana ka socday tuulooyinka iyo dhulka howdka ah ee bariga Ukraine, ayaa 6-di bishan August waji kale yeeshay, kaddib markii ay Ukraine ciidamo u dirtay gobolka Kursk ee bariga Ruushka dhanka xadka Ukraine.

More in focus

To Top