Connect with us

somalilandtoday.com

Israa’iil oo duqeyn ay ka geysatay dalka Lubnaan ku dishay nin ay walaalo yihiin hoggaamiyaha ururka Fatax

focus

Israa’iil ayaa duqeyn ay ka geysatay magaalada ku taalla koonfurta Lubnaan ee Sidon, waxay ku dishay Khaliil Al-Maqdah, oo la dhashay hoggaamiyaha ururka Fatax ee Falastiiniyiinta garabka Lubnaan, Muniir Al-Maqdah,sida ay warisay Al Jazeera.

Israa’iil ayaa inta uu dagaalka Qasa socday ku eedeysay Muniir Al-Maqdah inuu hub soo geliyay dhulka Falastiiniyiinta, tan iyo markaa Israa’iil ayaa indhaha ku heysay xeryaha qaxootiga Falastiiniyiinta ee ku yaalla gudaha Lubnaan. Ma cadda haddii ay sheegi doonaan duqeyntan lagu dilay walaalka hoggaamiyahan sare inay uga jawaabayaan weerarkii qaraxa ee ka dhacay Tel Aviv, oo baaritaan ay ku sameeyeen ay ku sheegeen inuu ahaa mid xadi sare oo kiimikooyin iyo walxaha qarxa oo aan laga heli karin Qasa ay ku jireen, taa oo jirta qaraxa waxaa sheegatay Xamaas , oo ku hanjabtay inay gudaha Israa’iil ka geysan doonaan qaraxyo.

More in focus

To Top