Connect with us

somalilandtoday.com

Mareykanka Oo Sheegay In La Gaadhay Xilligii Heshiis Xabad Joojin Ah Ka Dhici Leheyd Qaza

focus

Mareykanka Oo Sheegay In La Gaadhay Xilligii Heshiis Xabad Joojin Ah Ka Dhici Leheyd Qaza

Mareykanka Oo Sheegay In La Gaadhay Xilligii Heshiis Xabad Joojin Ah Ka Dhici Leheyd Qaza

Joe Biden ayaa sheegay in uu ku rajo weyn yahay in heshiis xabad joojin ah Gaza laga gaadho.

“Waan ka dhownahay sidii hore,” madaxweynaha Mareykanka ayaa yidhi ka dib wareegii ugu dambeeyay ee wadahadallada, isagoo intaa ku daray inuu u dirayo xoghayihiisa arrimaha dibadda Israel si uu u sii wado “dadaalka degdega ah ee lagu soo afjarayo heshiiskan”

Iyadoo ay jirto walaac laga qabo in Iran ay weerar ku qaado Israa’iil ka dib dilkii hoggaamiyihii Xamaas Ismail Haniyeh ee Tehraan, ayuu Mr Biden yiri “qofna gobolka ma aha inuu qaado tallaabo uu ku wiiqayo hannaankan”.

Xamaas ayaa shaki ka muujisay fursadaha heshiis. Iyadoo aan la sheegin suurtagalnimada xabbad-joojineed, Israa’iil waxay sheegtay “inay qadarinayso dadaalka Maraykanka iyo dhexdhexaadiyeyaasha si ay Xamaas uga dhaadhiciyaan heshiis lagu sii daayo la haystayaasha”.

More in focus

To Top