Connect with us

somalilandtoday.com

Kamala Harris Oo Qarka U Saaran In Ay Noqoto Musharrax Xisbiga Dimuqraadiga Ee Doorashada Mareykanka

focus

Kamala Harris Oo Qarka U Saaran In Ay Noqoto Musharrax Xisbiga Dimuqraadiga Ee Doorashada Mareykanka

Kamala Harris Oo Qarka U Saaran In Ay Noqoto Musharrax Xisbiga Dimuqraadiga Ee Doorashada Mareykanka

Madaxweyne-ku-xigeenka hadda ee Maraykanka Kamala Harris ayaa la soo werinayaa in ay soo jiitadayy taageerada wufuud ku filan oo dimuqraadi ah si ay u noqoton musharaxa xisbigaas ee madaxweynaha, sida ay baahisay warbaahimnta isbahaysiga la ah BBC-da ee Maraykanka ee CBS News.

Sahan ay samaysay wakaaladda wararka ee Associated Press fiidnimadii Isniinta ayaa isna lagu sheegay in Ms Harris ay heshay taageerada in ka badan 1,976 oo ergo ah, kuwaas oo ah intii loo baahnaa si ay ugu guulaysato​​magacaabista wareegii koowaad ee codbixinta.

Ms Harris waxa ay sheegtay in ay “ku han weyn tahay” in ay heshay “taageerada ay u baahnays” ayna rajaynayso in ay si rasmi ah u aqbasho magacaabista mushharaxa madaxweyne ee xisbiga Dimuqraaddiga.

Ergooyinka ayaa ah dad loo soo xushay inay matalaan aagga doorashadooda Shirweynaha Qaran ee Dimuqraadiga (DNC),taas oo ah xaflada magacaabista ee uu sameeyo xisbiga. Taas oo lagu xaqiijiyo qof xisbiga mushharax u noqon doona.

More in focus

To Top