Connect with us

somalilandtoday.com

Ciidanka ISRAA’IIL oo duullaan hor leh ku qaaday waqooyiga Gaza

focus

Ciidanka ISRAA’IIL oo duullaan hor leh ku qaaday waqooyiga Gaza

Ciidanka ISRAA’IIL oo duullaan hor leh ku qaaday waqooyiga Gaza

Ciidamada Israa’iil ayaa Isniintii aad ugu sii siqay gunta magaalada ugu weyn Marinka Gaza, iyaga oo sheegay in ay la dagaallami doonaan dagaalyahannada Xamaas oo ay sheegeen in ay halkaasi dib ugu soo laabteen.

Ciidanka Israa’iil ayaa Isniinti ku amray dadka aaggaasi daggan in ay iskaga baxaan, taasi oo keentay in kumannaan qoys ay mar kale si dhaqso ah uga cararaan duqeymaha ciidamada Israa’iil.

Israa’iil waxay sheegtay in mar kale ay ciidankoodu kula dagaalamayaan aagga waqooyi ee Gaza, halkaas oo ay ah meeshi uu ka billaamay duullaanka Israa’iil billowgi dagaalka Gaza.

Saraakiisha Xamaas ayaa ka digay in weerarka cusub ee ay Israa’iil shalay ka billowday Gaza uu halis ku yahay wadahadallada xasaasiga ah ee xabbad-joojinta ee ay dowldaha Mareykanka, Qatar iyo Masar ka dhex wadaan Xamas iyo Israa’iil.

Dadka deegaanka waqooyiga Gaza ayaa sheegay in duqeymihi cirka ee ay Israa’iil Isniintii ka fulisay halkaasi ay ahaayeen mid ka mid ah kuwi ugu cuslaa uguna khasaaraha badnaa tan iyo marki uu billowday dagaalka muddo hadda laga joogo 9 bilood.

Dowladda Mareykanka ayaa Isniintii xaqiijisay in saraakiil sare oo Mareykan ah ay gaareen magaalada Qahira ee dalka Masar, si ay u riixaan heshiiska xabbad-joojinta ee hindisihiisu uu lahaa madaxweyne Biden.

Afhayeen u hadlay Aqalka Cad ayaa sheegay in agaasimaha hey’adda CIA Bill Burns iyo Ergayga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Bariga Dhexe Brett McGurk la filayo in ay Qahira wadahadallo kula yeeshaan dhigooda dalalka Masar, Isra’il iyo Urdun.

More in focus

To Top