Connect with us

somalilandtoday.com

Britain oo yeelatay raysal wasaare cusub

focus

Britain oo yeelatay raysal wasaare cusub

Britain oo yeelatay raysal wasaare cusub

Boqorka UK, Charles III ayaa shalay Jimcihii ah si rasmi ah ugu magacaabay hoggaamiyaha Xisbiga Labor-ka Keir Starmer raysal wasaaraha cusub ee Britain.

Sawirro laga sii daayey qasriga Buckingham Palace ayaa muujiyey Starmer oo gacan qaaday Boqorka, kadib markii xisbigiisa ay guul aqlabiyad xooggan leh ka gaadheen doorashooyinkii dhacay Khamiistii.

Boqorka ayaa goor sii horreysay aqbaly is-casilaadda hoggaamiyaha Xisbiga Conservative-ka ra’iisul wasaare Rishi Sunak.

“Boqorku waxa uu maanta qaabilay mudane xildhibaan Sir Keir Starmer, wuxuuna ka codsaday in uu dowlad cusub soo dhiso,” ayaa lagu yidh bayaan ka soo baxay qasriga.

“Sir Keir wuu aqbalay soo jeedinta boqorka, wuxuuna dhunkaday gacmahiisa kadib markii loo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha iyo Sayidka Koowaad ee Maaliyadda.”

Keir Starmer ayaa Jimcihii balan qaaday in xukuumadiisa Labour-ka ay laga billaabo maalinta koowaad ka shaqeyn doonaan dib u cusboonaysiinta qaranka, isaga oo xafiiska 10 Downing Streat ka hor jeediyey khudbaddii ugu horaysay ee isaga oo ra’iisal wasaare ah.

“Shaqada isbedelka si degdeg ah ayey u billaabmaysa. Laakiin shaki ha ka qabin, waxaan dib u dhisi doonnaa Britain,” ayuu yidhi, ka dib markii Labour-ka uu soo afjaray 14 sano oo xukunkii Conservative-ka.

More in focus

To Top