Connect with us

somalilandtoday.com

Xog: Wada-hadallo TURKIGA uga furmaya Soomaaliya iyo Itoobiya

focus

Xog: Wada-hadallo TURKIGA uga furmaya Soomaaliya iyo Itoobiya

Xog: Wada-hadallo TURKIGA uga furmaya Soomaaliya iyo Itoobiya

Dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa lagu wadaa inay wada-hadallo uga furmaan magaalada Ankara ee dalka Turkiga, waxaa sidaas warbaahinta u xaqiijiyay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay.

Ujeedka wada-hadallada ayaa ah in lagu soo afjaro xiisadda ka dhalatay is-afgaradka ay Itoobiya la gashay Somaliland ee lagu sheegay in ay ku aqoonsaneyso, ayada oo kaga bedeleneysa dhul-badeed ay ka dhisato dekad iyo saldhig ciidan badeed.

Wada-hadalladan ayaa waxaa labada dal ogoleysiiyey dowladda Turkiga oo muddo bilo ah wadday dadaal ay isugu keeneyso Muqdisho iyo Addis-Ababa, waxaana jira warar sheegaya in sidoo kale ay dalal kale dabada ka riixayaan, oo Mareykanka uu ka mid yahay.

Waxaa dhinaca Soomaaliya u matali doona wafdi ay horkacayaan wasiirka arrimaha dibedda Axmed Macallin Fiqi iyo wasiiru dowlaha arrimaha dibedda Cali Balcad, halka Itoobiya ay wakiil uga yihiin xubno uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibedda Taye Atske Selassie.

Taye Atske Selassie ayaa shalay gaadhay Ankara. Dhanka kalena Axmed Macallin Fiqi ayaa la filayaa inuu maanta u ambabaxo halkaas.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Itoobiya ay diyaar u tahay in ay ka laabato is-afgaradka ay la gashay Somaliland, halka Soomaaliya la filayo in ay Itoobiya u ogolaato in ay ka kireyso dekad ganacsi.

Xogta ayaa sheegeysa in Itoobiya ay isha ku hayso dekadaha Baraawe iyo Hobyo midkood.

More in focus

To Top