Connect with us

somalilandtoday.com

“Waxa lagu tashaday in laynaga soo weeraro Jabuuti iyo Laascaanood..” Faysal Cali Waraabe

focus

“Waxa lagu tashaday in laynaga soo weeraro Jabuuti iyo Laascaanood..” Faysal Cali Waraabe

“Waxa lagu tashaday in laynaga soo weeraro Jabuuti iyo Laascaanood..” Faysal Cali Waraabe

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in Jabuuti iyo dowlada Soomaaliya ay maleegayaan qorshe lagu waxyeelaynayo Somaliland.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in lagu tashaday in markale la daadiyo dhiiga shacabka Somaliland, isla markaana la burburiyo nabadooda.

“Waxa lagu tashaday in dalkeena laga soo weeraro dhinaca Jabuuti iyo dhinaca Laascaanood, sidii 1988 kii ayaa maanta markale dhiigeena la xalaashaday, waxa lagu tashaday in Somaliland la burburiyo” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuu ayuu ku eedeeyay in uu maleegayo qorshe Somaliland lagu waxyeelaynayo, si aan Somaliland loo aqoonsanin.

More in focus

To Top