Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweynaha Kenya oo digniin u diray dibadbaxayaasha

focus

Madaxweynaha Kenya oo digniin u diray dibadbaxayaasha

Madaxweynaha Kenya oo digniin u diray dibadbaxayaasha

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa ku tilmaamay dibadbaxyadii dhacay salaasadii shalay ee lagaga soo horjeeday cashuur kordhinta, aynu ku galeen baarlamaanka iyo xarumaha kale ee dowladda kuwo khiyaamo qaran ahaa. Waxa uu ka digay in tallaabo laga qaadi doono dibadbaxayaasha rabshadaha sameynaya.

Inta la xaqiijiyay 6-qof ayaa ku geeriyootay in ka badan 100-qofna waa ay ku dhaawacmeen, laakiin tiradaasi waxay u badan tahay inay sii korodho.

Khudbad uu jeediyay Mr. Ruto ayuu ku sheegay in dadka mudaaharaadaya ay yihiin dambiilayaal halis ah, wuxuuna digniin culus u diray dadka qabanqaabiyeyaasha dibadbaxayada ah.

More in focus

To Top