Connect with us

somalilandtoday.com

Mudaharaad Rabshado wata oo ka socda Nairobi, Kenya

focus

Mudaharaad Rabshado wata oo ka socda Nairobi, Kenya

Mudaharaad Rabshado wata oo ka socda Nairobi, Kenya

Caasimada Kenya ee Nairobi ayaa maanta oo Salaasa ah laga dareemayaa mudaharaad xoogan oo ka socda badhtamaha magaalada, kaasi oo looga soo horjeedo sharciga cusub ee sare loogu qaadayo Canshuurta dalkaasi.

Baarlamaanka Kenya ayaa maanta u codeenaya sharcigan rabshadaha keenay oo ay shacabka si weyn uga soo horjeedaan.

Waxaan lagu guuleysan dadaalo ay dowlada dooneysay inay ku qanciso shacabka, iyadoo sharcigan cusub laga saaray qodobo xasaasi ah, balse taasi weli maysan ku qancin dadweynaha mudaharaadaya oo sheegay in canshuurtan si weyn u saameyn doonto noloshooda.

Dadka mudaharaadaya ayaa u badan dhalinyarada iyo shaqaalaha, waxaana hada kusoo biiray qaar kamid ah shirkadaha kuwaasi oo dhamaantood isku raacay in canshuur kordhinta aysan la jaan-qaadi karin sicir-bararka jira, dakhliga shacabka soogala iyo kororka dhaqaalaha wadankaas.

More in focus

To Top