Connect with us

somalilandtoday.com

QAZA: Tirada shacabkii lagu xasuuqay xaafada al-Nuseirat oo gaadhay 274

focus

QAZA: Tirada shacabkii lagu xasuuqay xaafada al-Nuseirat oo gaadhay 274

QAZA: Tirada shacabkii lagu xasuuqay xaafada al-Nuseirat oo gaadhay 274

Ciidamada Israa’iil ayaa mar kale duqeeyay badhtamaha Qaza Axadii, maalin kadib markii ay dileen 274 falastiiniyiin ah intii lagu guda jiray howlgal lagu soo furtay dad la haystayaal ah.

Tirada dhimashada weerarkii Sabtidii, ayaa ahayd tii ugu xumayd ee dagaalka Gaza muddo bilo ah, ciidamada Israa’iil ayaa weerarkoodii shalay ku dilay shacab u badan haween iyo carruur.

Xogta soo baxday maanta oo Axad ah, ayey wasaaradda caafimaadka ee Gaza ku sheegtay in 274 falastiiniyiin ah la dilay – halka 698 qof oo kale ay dhaawacmeen kadib markii ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Israel ay gudaha u galeen xerada Al-Nuseirat oo ay dad badan ku nool yihiin si ay u badbaadiyaan afar la hayste oo ay bishii Oktoobar gacanta kusoo dhigeen Xamaas.

Dhinaca kale taangiyo ayaa gudaha u galay deegaano hor leh oo ka tirsan koonfurta Gaza ee Rafah iyaga oo isku dayaya in ay xidhaan qayb ka mid ah magaalada, sida ay sheegeen dadka deegaanka iyo warbaahinta Xamaas.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.

More in focus

To Top