Connect with us

somalilandtoday.com

Masar iyo Qatar oo u hanjabay hoggaamiyaasha Xamaas ee dalalkooda ku nool

focus

Masar iyo Qatar oo u hanjabay hoggaamiyaasha Xamaas ee dalalkooda ku nool

Masar iyo Qatar oo u hanjabay hoggaamiyaasha Xamaas ee dalalkooda ku nool

Wargeyska Wall Street Journal, ayaa baahiyay warbixin uu ku sheegay in dalalka Qatar iyo Masar ay dhawaan ku wargeliyeen hoggaamiyeyaasha Xamaas in laga yaabo inay la kulmaan suurtagalnimada ah xarig, xannibaad hanti, cunaqabatayn iyo xitaa in laga saaro Doha, haddii ay aqbali wayaaan soo jeedinta heshiis xabad joojin oo laga dhex sameeyo iyaga iyo Israa’iil.

Sida warbixinta lagu sheegay, iyadoo laga duulayo aragtiyo ay qabaan mas’uuliyiin lagu tilmaamay inay aad ugu dhuun daloolaan wadahadalladan,ayaa waxaa ay sheegayaan in hanjabaadadan oo ku wajahan madaxda Xamaas ay tahay codsi ka yimid maamulka Biden.

Madaxa xafiiska siyaasadda Xamaas Ismaaciil Haniyeh oo ku sugan dalka Qatar ayaa sheegay in aysan aqbali doonin heshiis aan buuxin shuruudaha ururka, isla markaana aan dammaanad qaadeynin in dagaalka la joojiyo.

Maqaal uu qoray wariyaha Bariga Dhexe ee Wall Street Journal, Samar Saciid, ayaa intaa ku daray in Xamaas ay toddobaadkan si adag uga soo horjeesatay nuqul qoran oo ah soo jeedintii ugu dambeysay ee xabbad joojinta.

Wariye Samar Saciid waxa uu sheegay in kala duwanaanshiyaha yar ee ereyada uu noqday qodob ku dheggan wada xaajoodka, gaar ahaan ka dib markii Netanyahu uu ka jawaabay khudbadii Biden iyo in uu xoogga saaray in aan la soo afjarin dagaalka ka hor inta aan la burburin awoodda milatari ee Xamaas.

Agaasimaha CIA-da William Burns ayaa sidoo kale ka codsaday madaxda Qatar iyo Masar inay ku wargeliyaan hoggaamiyaha Xamaas Ismail Haniyeh in dhexdhexaadiyeyaasha caalamiga ah ay xaqiijin doonaan bilaabashada wada xaajoodka xabbad-joojinta oo dhammaystiran toddobaadka saddexaad ee wejiga koowaad ee heshiiska, iyo in la isku afgaran doono qodobbada xabbad-joojinta joogtada ah. toddobaadka shanaad, sida uu sheegayo wargeysku.

Wargeysku wuxuu intaa raaciyay in Haniyeh hanjabaadaha ka dib uu diiday inuu aqbalo soo jeedinta, wuxuuna qeexay in Israa’iil ay bixiso ballanqaad qoraal ah oo ku saabsan xabbad-joojin joogto ah, gaar ahaan ka dib hadalkii Netanyahu ee ahaa inuusan aqbali doonin joojinta dagaalka.

“Sarkaal wadahadallada si dhow ula socda ayaa laga soo xigtay “Waxay og yihiin in Qatar ayna haysan waddo kale oo aan ka ahayn inay eryaan (Hoggamaiyaasha Xamaas) haddii Maraykanku ka codsado,”

Daniel Levy oo ah falanqeeya arrimaha siyaasadda ah ayaa yidhi ” kaliya diidmada Netanyahu waxay horudhac u tahay marxaladda koowaad ee soo afjarida dagaalka, Washington way ku fashilantay imtixaankii,”

Websi-tka laga leeyahay Mareykanka ee Axios, ayaa sheegay in Benny Gantz la filayo inuu ku dhawaaqo inuu isaga baxayo golaha wasiirada dagaalka ee la dhisay ka dib weerarkii 7-dii bishii October ee Xamaas ay ku qaadday Israa’iil.

Waxaa la filayaa in tallaabadaan ay samaeyn yeellan karto “Tallaabadan uma horseedi doonto inay burburiso isbahaysiga Netanyahu, oo weli haysta aqlabiyadda baarlamaanka oo ah 64 xubnood, laakiin waxay u badan tahay inay khalkhal geliso dawladda oo ay uga sii dari doonto qalalaasaha siyaasadeed, iyadoo dagaalka Qasa uu sii socdo, wada-xaajoodkuna uu socdo.” .

Weriyaha arrimaha siyaasadda ee Axios iyo khabiirkooda arrimaha Bariga Dhexe, Barak Ravid, ayaa qaba, in maamulka Biden iyo dawlado kale oo badan oo reer galbeed ah iyo qaar ka mid ah dalalka Carabta ay Gantz u arkaan nin qunyar socod ah oo ka tirsan golaha dagaalka Israa’iil, sidaas darteed bixitaankiisu waxay u badan tahay inay kordhiso cadaadiska caalamiga ah ee Netanyahu saaran.

Wasiirka gaashaandhigga Israa’iil ayaa sida illo xog ogaal ah ay sheegayaan wuxuu la hadlay horraantii toddobaadkan saraakiil sarsare oo maamulka Biden ka tirsan, wuxuuna ku wargeliyay go’aankiisa dhow wuxuuna waydiistay aragtidooda ku aaddan is casillaadda uu doonayo, laakiin saraakiisha Maraykanku waxay u sheegeen Gantz in tani ay tahay go’aankiisa oo aysan faragelin doonin. arrin siyaasadeed oo gudaha Israa’iil ah.

Ravid wuxuu aaminsan yahay in ka bixitaanka Gants ee golaha dagaalka Netanyahu, ay meesha ka saari doonto awoodda golaha maadama inta badan uu go’aannada gaaro Wasiirkiisa difaaca Yoav Gallant, iyo Wasiirka Istaraatijiyadda ee isaga ay isku dhow yihiin laguna agacaabo, Ron Dermer.

Websi-tka laga leeyahay Mareykanka ee Axios, ayaa sheegay in Benny Gantz la filayo inuu ku dhawaaqo inuu isaga baxayo golaha wasiirada dagaalka ee la dhisay ka dib weerarkii 7-dii bishii Oktoobar ee Xamaas ay ku qaadday Israa’iil.

Waxaa la filayaa in tallaabadaan ay samaeyn yeellan karto “Tallaabadan uma horseedi doonto inay burburiso isbahaysiga Netanyahu, oo weli haysta aqlabiyadda baarlamaanka oo ah 64 xubnood, laakiin waxay u badan tahay inay khalkhal geliso dawladda oo ay uga sii dari doonto qalalaasaha siyaasadeed, iyadoo dagaalka Qasa uu sii socdo, wada-xaajoodkuna uu socdo.” .

Weriyaha arrimaha siyaasadda ee Axios iyo khabiirkooda arrimaha Bariga Dhexe, Barak Ravid, ayaa qaba, in maamulka Biden iyo dawlado kale oo badan oo reer galbeed ah iyo qaar ka mid ah dalalka Carabta ay Gantz u arkaan nin qunyar socod ah oo ka tirsan golaha dagaalka Israa’iil, sidaas darteed bixitaankiisu waxay u badan tahay inay kordhiso cadaadiska caalamiga ah ee Netanyahu saaran.

Wasiirka gaashaandhigga Israa’iil ayaa sida illo xog ogaal ah ay sheegayaan wuxuu la hadlay horraantii toddobaadkan saraakiil sarsare oo maamulka Biden ka tirsan, wuxuuna ku wargeliyay go’aankiisa dhow wuxuuna waydiistay aragtidooda ku aaddan is casillaadda uu doonayo, laakiin saraakiisha Maraykanku waxay u sheegeen Gantz in tani ay tahay go’aankiisa oo aysan faragelin doonin. arrin siyaasadeed oo gudaha Israa’iil ah.

Ravid wuxuu aaminsan yahay in ka bixitaanka Gants ee golaha dagaalka Netanyahu, ay meesha ka saari doonto awoodda golaha maadama inta badan uu go’aannada gaaro Wasiirkiisa difaaca Yoav Gallant, iyo Wasiirka Istaraatijiyadda ee isaga ay isku dhow yihiin laguna agacaabo, Ron Dermer.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.

More in focus

To Top