Connect with us

somalilandtoday.com

Tiradda Shacabka lagu Xasuuqay Gaza oo kor u dhaaftay 36.700

focus

Tiradda Shacabka lagu Xasuuqay Gaza oo kor u dhaaftay 36.700

Tiradda Shacabka lagu Xasuuqay Gaza oo kor u dhaaftay 36.700

Tiradda shacabka ay Israa’iil ku xasuuqday Marinka Gaza ayaa shalay gaadhay 36,731, sida ay shalay oo Jimce ahayd xaqiijisay Wasaaradda Caafimaadka ee Falastiin.

War ka soo baxay wasaaradda ayaa intaa ku daray in 83,530 qof oo kale ay sidoo kale ku dhaawacmeen duulaanka Israa’iil.

“Weerarada Israa’iil ayaa lagu dilay 77 qof 221 kalena waa lagu dhaawacay 24-kii saacadood ee la soo dhaafay,

Dad badan ayaa wali ku jira guryaha burburay hoostooda iyo goobaha ay adag tahay inay si fudud ku gaadhaan kooxaha gurmadka deg degta ah” ayaa lagu yidhi qoraalka Wasaaradda.

Israa’iil ayaa sii wada weerarka naxariis darada ah ee ay ku hayso Gaza tan iyo bishii October ee sannadkii hore, inkastoo golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay uu soo saaray qaraar uu ku dalbanayo xabbad joojin degdeg ah.

More in focus

To Top