Connect with us

somalilandtoday.com

Waa kuma Karim Khan, dacwad oogaha maxkamadda ICC ee dalbaday in la soo xidho Netanyahu

focus

Waa kuma Karim Khan, dacwad oogaha maxkamadda ICC ee dalbaday in la soo xidho Netanyahu

Waa kuma Karim Khan, dacwad oogaha maxkamadda ICC ee dalbaday in la soo xidho Netanyahu

Maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC ayaa dalbatay in la soo xidho Raysal wasaaraha Israa’iil iyo wasiirka gaashaandhigga iyo sidoo kale madaxda Xamaas. Sida laga soo xigtay maxkamadeynta, hoggaamiyayaashan ayaa loo heystaa dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah aadanaha.

Dacwad oogaha guud ee maxkamadda, Karim Asad Ahmed Khan, ayaa eegaya kiiskan. Karim Khan waa Pakistani asal ahaan.

Dhegaysiga dacwadda, waxuu sheegay in jiraan “caddeymo la taaban karo” oo muujinaya in ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo hoggaamiyaha Xamaas ee Gaza Yahya Sinwar ay galeen dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah aadanaha.

Ma aha oo kaliya labada shaqsi, laakiin sidoo kale waxaa la tuhunsan yahay hogaamiyayaasha Xamaas, Ismail Haniyeh, Mohamed Al-Masri, iyo wasiirka difaaca Israel, Yoav Galant.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa cambaareeyay codsiga dacwad oogaha guud ee ah in la soo xidho, isaga oo sheegay in ay tahay “tallaabo aan macquul ahayn oo been abuur ah.”

Netanyahu ayaa sheegay in isbarbardhiga lagu sameeyay isaga iyo Xamaas in ay tahay qalloocin xaqiiqadda ah.

Waa kuma Karim Asad Ahmed Khan, Xeer Ilaaliyaha Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah?

Kariim Asad Axmed Khaan, waxuu ku dhashay 30-kii bisha March 1970-kii magaalada Ediburgh ee dalka Ingiriiska. Aabbahii Dr Saciid Axmed, waa Bakistaani waxuuna Ingiriiska yimid 1960-kii. Asad hooyadiina waa muwaadin Biritish ah.

Karim Khan, 1992-kii ayuu ka qaatay shahaahadada qaanuunka King’s College London, waxa uu ganacsi galay markii uu qalin jabiyay. Khan waxuu xubin ka noqday shirkadda sharciga London Temple Garden Chambers, waa sharciyaqaan dambiyada caalamiga ah iyo qareen xuquuqul insaanka ah waxuuna leeyahay in ka badan 30 sanno oo waayo-aragnimo ah.

Waxuu qareen u noqday difaaca Madaxweynaha tallada haya ee Kenya William Ruto oo Maxkamadda Danbiyada Caalamiga ah la soo taagay, isagoo ku eedaysnaa danbiyadii ka dhacay dalka Kenya doorashadii 2007-dii.

Waxuu ka qayb noqday kiisas badan oo gaboodfallo caalami ah la xidhiidha, sida kuwii Rwanda, denbiyadii Yugoslavia, kuwo ka dhacay Cambodia, Sierra Leone iyo kuwo kaleba.

Qareenkii wiilka Qadaafi

Marka laga yimaado in uu soo noqday madaxa dacwad oogaha maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada, Karim Khan waxa uu sidoo kale ahaa qareenka Saif al-Islam, oo ah wiil uu dhalay madaxweynihii hore ee Liibiya Mucamar Al-Qadaafi, intii u dhaxeysay 2016 ilaa 2018.

Khan, oo soo noqday Guddoomiyaha Golaha Qareenada ICC intii u dhaxeysay 2017 ilaa 2018, ayaa sidoo kale ah Safiirka Caalamiga ah ee Ururka Qareenada Afrika.

2018, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa u magacaabay inuu noqdo La-taliyihii ugu horreeyay ee Gaarka ah iyo madaxa kooxda baadhista dembiyada dagaalka iyo dembiyada ka dhanka ah aadanaha ee Ciraaq.

Bishii February 2021, Khan waxaa loo doortay Xeer Ilaaliyaha Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada ee Golaha Guud ee New York. Waxaa xilka loo dhaariyay June 2021 wuxuuna xilka sii heyn doonaa muddo sagaal sanno ah.

Waxa uu noqonayaa xeer ilaaliyihii saddexaad ee Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC), oo la aasaasay sanadkii 2002-dii.

Ma ahan markii ugu horreysay oo maxkamada ICC ay dalbato amar lagu soo xidhayo madax ka tirsan dowladaha awooda leh. Sanad ka hor, waxay ahayd Karim Khan oo door muhiim ah ka qaatay in la helo amarka lagu soo xidhayo madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin. Marka laga soo tago Putin, Guddoomiyaha Xuquuqda Carruurta ee Ruushka, Maria Levova Belov, ayaa sidoo kale heshay amar lagu soo xidhayo.

“Qofna sharciga kama sarreeyo”

Wareysi uu dhawaan siiyay CNN, Karim Khan ayaa lagu weydiiyay sababta uu u isticmaali waayay ereyga “xasuuq”.

“Baadhitaankan weli lama dhameystirin,” ayuu yidhi dacwad oogaha, isagoo tilmaamay in dacwadda loo gudbiyay garsoorka ayna ku jirin fikradda xasuuqa.

“Baadhitaankeennu wuu sii socon doonaa. “Xaaladdu aad ayay u cakiran tahay,” ayuu yidhi Khan, isagoo intaas ku daray in maamulka Israa’iil ay u diideen inuu galo Gaza oo uu baadhitaan ku sameeyo.

Talaabada xigta waa in garsoorayaasha ICC ay shiraan oo ay ansixiyaan go’aanka ku saabsan in waaran qabasho la soo saarayo iyo in kale. Habkani wuxuu qaadan karaa toddobaadyo.

Maraykanka iyo Israa’iil kuma dhaqmaan sharciga ICC.

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa sheegay in codsiga waaranka lagu soo xidhayo uu yahay mid naxdin leh, wuxuuna sheegay in aan la is barbar dhigi karin Israa’iil iyo Xamaas.

More in focus

To Top