Connect with us

somalilandtoday.com

Itoobiya oo caddaysay in ayna ballan qaadayn inay aqoonsato Somaliland

focus

Itoobiya oo caddaysay in ayna ballan qaadayn inay aqoonsato Somaliland

Itoobiya oo caddaysay in ayna ballan qaadayn inay aqoonsato Somaliland

Dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu doonayo in lagu dejiyo xiisadda Geeska Afrika ayaa u muuqata mid midho dhal ah, sida ay sheegayaan ilo diblumaasiyadeed.

Dowladda Itoobiya ayaa u sheegtay dublamaasiyiinta reer galbeedka sida ay uga go’an tahay ixtiraamka midnimada dhuleed iyo midnimo siyaasadeed ee Soomaaliya iyada oo la raacayo Axdiga Midowga Afrika iyo sharciga caalamiga ah.               

Itoobiya waxay si cad ugu sheegtay dublamaasiyiinta in aanay marnaba ballan-qaadin in ay aqoonsi diblomaasiyadeed siinayso dalka Somaliland.

Sidoo kale, Ethiopia waxay sheegtay in ayna qaadin tallaabooyin ay ku dhaqan gelinayso is-afgaradkii badda, ee Somaliland iyo Itoobiya.

Toddobaadkii hore, Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) ee xilka ka degaya ayaa la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Taye Atske-Selassie.

Atske-Selassie ayaa mar kale caddeeyey mawqifka Itoobiya ee ku aaddan midnimada siyaasadeed iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya. Wuxuu tusaale u soo qaatay joogitaanka ciidamada Itoobiya ee Koonfurta iyo badhtamaha Soomaaliya.

Warkaan ayaa kusoo beegmay, xilli Somaliland ay sheegtay in muddo laba bilood gudahood ah  lagusoo gabagabaynayo dhameystirka heshiiska dhinaca badda oo ay la galeen Ethoipia.

More in focus

To Top