Connect with us

somalilandtoday.com

IRAN oo caawa weerar culus ku qaaday Israa’iil iyo wararkii u dambeeyay

focus

IRAN oo caawa weerar culus ku qaaday Israa’iil iyo wararkii u dambeeyay

IRAN oo caawa weerar culus ku qaaday Israa’iil iyo wararkii u dambeeyay

Iran ayaa billowday weerarkeedii u horreeyay, tobannaan diyaaradaha aan duuliyahan lahayn ee qaraxyada fuliya ayaa la sheegay inay u dirtay dhulka Israa’iil, tan oo dhalisay inay Israa’iil kiciso diyaaradaheeda F-35 si ay uga hortagaan inay diyaaradaha gaadhaan bartilmaameedyadood dhulka ee Israa’iil, saraakiisha Israa’iil iyo Mareykanka ayaa laga soo xigtay.

Warbaahinta Iran ayaa markii u horreysay ku warramaysa in boqollaal diyaaradaha aan duuliyahan lahayn ee Iran , nooca Shahed-136s inay ka qaybqaadanayaan weerarka ay billowday Iran ee bartilmaameedkiisu yahay saldhigyada iyo xarumaha muhiimka ah ee Israa’iil.

Afhayeen u hadlay militariga Israa’iil, ayaa xaqiijiyay inay Iran weerar ku soo qaaday dhulka Israa’iil, iyadoo adeegsanaysa diyaaradaha aan duuliyahan lahayn , isagoo intaa ku daray; “ Waxaan si dhow ula socona ka hadalka weerarka dhowr saac qaadaya si loo soo gaadho dhulka Israa’iil.”

Netanyahu iyo golahiisa wasiirrada ayaa hadda ku sugan dhisme dhulka hoostiisa ah oo ku yaalla xarunta wasaaradda difaaca Israa’iil ee Tel Aviv, halkaa oo uu uga billaamay shir ay kaga hadlayaan ka hortagga weerarka ay Iran ku soo qaaday iyo sida ay u bixin karaan jawaab.

Madaxweynaha Mareykanka, Biden ayaa si deg deg ah u tagay Aqalka Cad, isagoo ku biiray kulan deg deg ah oo qolka xaaladaha deg deg ah  uga socda saraakiisha difaaca iyo militariga Mareykanka , kuwaaso la socda weerarka Iran ay ku qaaday Israa’iil. Warbixinta la soo bandhigay Aqalka Cad ayaa sidoo kale lagu sheegay inuu Biden la xidhiidhay Netanyahu oo uu u sheegay inuu Mareykanka heegan ugu jirto inuu Israa’iil difaaco.

Dhan kale Koox xidhiidh la leh Iran oo fuliya weerarrada internetka ayaa sheegayana inay ku guuleysteen inay damiyaan korontada qaar ka mid ah magaalooyinka Israa’iil.

Israa’iil ayaa ku dhawaaqday in hawadeeda laga joojin doono diyaaradaha rayidka, laga billaabo 1 habeenimo ee caawa.

Iran ayaa sidoo kale iyaduna xidhay hawadeeda, waxaa laga joojiyay diyaaradaha rayidka, kaliya waxaa ku duuli kara hawada Tehran diyaaradaha militariga iyo kuwa gurmadka deg deg ah.

Somalilandtoday kala soco wixii warar ah ka soo kordha dagaalkan ay Iran ku billowday Israa’iil

More in focus

To Top