Connect with us

somalilandtoday.com

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo kulan afur iyo casho ah la qaatay qaybaha kala duwan ee Bahda Garsoorka Dalka.

focus

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo kulan afur iyo casho ah la qaatay qaybaha kala duwan ee Bahda Garsoorka Dalka.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo kulan afur iyo casho ah la qaatay qaybaha kala duwan ee Bahda Garsoorka Dalka.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland mudane Aadam Xaaji Cali Axmed oo ay wehelinayeen, Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan, Garyaqaanka Guud ee Qaranka Cabdisamad Cumar Maal, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cadaaladda Ismaaciil Saleebaan Bowkax, Guddoomiyaha Guddida dib-u-habaynta Shuruucda Maxamuud Xuseen Faarax, Qaar kamid ah Garsoorayaasha Maxkamadda Sare, xubno ka tirsan Guddida Cadaaladda, Guddoomiyayaasha Maxkamada Racfaanka Gobolka Maroodi-jeex, Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex, Maxkamadda Degmada Hargeysa, qaar kamid ah Ku xigeennada Xeer-ilaaliyaha Guud, masuuliyiinta Ururka Garyaqaanada ee SOLLA iyo qaar kamid ah hal-doorka bulshada ayaa xalay kulan afur iyo casho ah la qaatay badi garsoorayaasha, xeer-ilaaliyayaasha iyo qareenadda ka hawl gala Gobolka Maroodi-jeex.

Nuxurka kulanka ayaa ku qotomay is xog waraysi guud oo la xidhiidha hawlaha ay bahda Garsoorku Qaranka u hayaan iyo xoojinta wada shaqaynta iyo iskaashiga ka dhaxeeya dhinacyada kala duwan ee Garsoorka, waxa sidoo kale qayb ka ahayd is cafin iyo isku laab-xaadhnaanta maadaama lagu jiro bishii barakaysnayd ee Ramadaan taasi oo khayr badan iyo wanaagba uu ku duugan yahay.

Wa bilaahi tawfiiq.

Ibraahim Maxamed Cali

Madaxa Waaxda Warbaahinta Maxkamadda Sare

More in focus

To Top