Connect with us

somalilandtoday.com

Murrashax Cirro oo kulan la yeesheen Guddida farsamada ee Isfahamka (MOU) ee u dhaxeeya Somaliland iyo Itoobiya

focus

Murrashaxa Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo ay wehelinayaan mas’uuliyiin sarsare oo ka tirsan Xisbiga WADDANI ayaa maanta waxa ay kulan yeesheen Guddida farsamada ee Isfahamka (MOU) ee u dhaxeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Ethiopia.

Musharraxa iyo Mas’uuliyiinta kale waxa ay warbixin ka dhageysteen Guddida farsamada, isla markaana Xisbigu dhankiisa waxa uu guddida la wadaagay tallooyinkiisa ku aaddan arrinta isfahamka dhex maray Somaliland & Ethiopia.

Xisbigu waxa uu mar labaad u xaqiijiyey Guddida in aragtida Xisbiga WADDANI sal-ka ku hayso, war-saxaafadeedkii uu soo saaray 2dii Jan 2024 ee ku saabsanaa Mawqifka Xisbigu taaggan yahay ilaa maantana uu taaggan yahay.

More in focus

To Top