Connect with us

somalilandtoday.com

Dowladda Soomaaliya Oo $7 Million Ka Xayirtay Al-Shabaab

focus

Dowladda Soomaaliya Oo $7 Million Ka Xayirtay Al-Shabaab

Dowladda Soomaaliya Oo $7 Million Ka Xayirtay Al-Shabaab

Dowladda Soomaaliya ku guuleysatay in ay xayirto lacag gaadhaysa Toddoba Milyan (7 Million), sidoo kalena ay xidho 670 taleefan lambar iyo 110 akoono ganacsi ah, ka dib hawlgallo lagu beegsanayey dhaqdhaqaaqa maaliyadeed ee kooxo lala xidhiidhinayo argagixisonimo.

Sida lagu baahiyey warbaahinta dowladda Soomaliya ayaa intaas ku dartay in la wareegista lacagtan loo cuskaday Sharciga ka-hortagga Lacag-dhaqidda iyo La-dagaalanka Maalgelinta Argagixisada’ ee dhawaan Soomaaliya ka dhaqangalay.

Dowladdu faahfaahin intaas dheer kama bixin meelaha laga soo qabtay lacagta, muddada uu socdey hawlgalka lagu soo qabtay iyo halka ay ku dambeeyeen dadkjii lagu qabtay.

More in focus

To Top