Connect with us

somalilandtoday.com

Shehbaz Sharif Oo Mar Kale Loo Doortay Raysal Wasaaraha Dalka Pakistan

focus

Shehbaz Sharif Oo Mar Kale Loo Doortay Raysal Wasaaraha Dalka Pakistan

Shehbaz Sharif Oo Mar Kale Loo Doortay Raysal Wasaaraha Dalka Pakistan

Baarlamaanka cusub ee dalka Pakistan ayaa mar labaad Shehbaz Sharif u doortay raysal wasaare, saddex toddobaad kaddib markii doorashooyinka dalkaasi ay sababeen dib u dhac ku yimid dhismaha dowlad wadaag ah.

Codbixiyeyaasha Pakistan ayaa 8-ddii bisha u dareeray goobaha cidbixinta iyadoo doorashadu ay hadheeyeen hoos u dhac internet-ka ah, xidhitaan iyo rabshado. Sharif ayaa ku laabtay xilkii uu hayay tan iyo bishii August markii baarlamaanka la kala diray.

Codbixiyayaasha baarlamaanka oo markii ugu horreysay kulmay Khamiistii, ayaa kusoo beegmaysa xilli ammaanka aad loo adkeeyay iyadoo musharraxiinta uu taageersan yahay raysal wasaaraha hore ee jeelka ku jira, Cimraan Khan ay ka dibad baxeen natiijada ayna dalbadeen sii deyntiisa.

More in focus

To Top