Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka Kamala Harris oo ku baaqday xabad-joojin ka dhaqan gasha Gaza

focus

Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka Kamala Harris oo ku baaqday xabad-joojin ka dhaqan gasha Gaza

Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka Kamala Harris oo ku baaqday xabad-joojin ka dhaqan gasha Gaza

Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka Kamala Harris ayaa Axadii ku baaqay “xabad joojin degdeg ah” oo ka hirgasha Gaza, taas oo ah mid ka mid ah baaqyadii ugu xoogganaa ee ka imaanaya maamulka madaxweyne Joe Biden si loo joojiyo dagaalka.

Dagaalka oo socday tan iyo 7-dii October ayaa waxaa ku naf waayey kumanaan qof oo shacab ah, ayada oo Qaramada Midoobe ay kala digtay macluul ka dhici karta Gaza.

Horaantii, Israa’iil kama qeybgalin wada-hadallada nabadeed ee Masar, iyadoo sheegtay in Xamaas ayna bixin liiska la haystayaasha weli nool.

Xamaas ayaa sheegtay in ay u suurtageli weyday in liiskaas soo gudbiyaan iyadoo duqeymaha Israa’iil awgood .

“Xaqiiqdii, suurtagal maaha in la ogaado cidda weli nool,” ayuu yidhi Dr Basem Naim, oo ah sarkaal sare oo Xamaas ah.

More in focus

To Top