Connect with us

somalilandtoday.com

Magaalada Riyad Oo Laga Dhisayo Garoonka Diyaaradaha Ugu Weyn Caalamka

News

Magaalada Riyad Oo Laga Dhisayo Garoonka Diyaaradaha Ugu Weyn Caalamka

Magaalada Riyad Oo Laga Dhisayo Garoonka Diyaaradaha Ugu Weyn Caalamka

Sacuudi Carabiya ayaa lagu wadaa in ay dhisto mid ka mid ah garoomada diyaaradaha ee ugu weyn caalamka taas oo wax weyn ka tari doonta hamiga Boqortooyada Sacuudiga ee ah in ay noqoto xudunta ganacsiga iyo dalxiiska caalamka, sida uu sheegay dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan Bin Cabdicasiis.

Garoonka Caalamiga ah ee Boqor Salmaan, oo ku yaalla magaalada Riyadh, ayaa yeelan doona lix waddo oo ah kuwa is barbar socda kuwaasoo ku soo degi karaan kana duuli karaan diyaaradaha, waxaana la filayaa in SR27 bilyan oo u dhiganta ($7.18 bilyan) uu sannadkii ku biiriyo wax-soo-saarka guud ee gudaha Sucuudiga sannadka 2030ka.

Garoonka waxaa sannad kasta isticmaali doona rakaab gaadhaya 29 milyan illaa 120 milyan oo sannadka 2030 iyo 185 milyan marka la gaadho 2050.

“Mashruuca garoonku waxa uu la jaan qaadayaa aragtida Sucuudiga ee ah in Riyadh ay ka mid noqoto tobanka waddan ee ugu dhaqaalaha badan adduunka iyo in la taageero kobaca dadka Riyadh oo la gaarsiiyo 15-20 milyan marka la gaaro 2030,” ayaa lagu sheegay warbixin ka soo baxday boqortoyada Sacudi Carabiya.

Waxa ay intaa ku dartay in madaarka Boqor Salmaan uu abuuri doono 103,000 shaqo oo toos ah iyo mid dadban.

Shirkadda diyaaradaha ee Saudia oo 77-sano jir ah waxa saldhig u noqon doona magaalada Badda Cas ee Jeddah iyada oo la raacayo istaraatiijiyada gaadiidka ee ku baaqaya in la dhiso labada xarun.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in News

To Top