Connect with us

somalilandtoday.com

Askari Garoowe ku dilay gabadh ardayad ahayd

focus

Askari Garoowe ku dilay gabadh ardayad ahayd

Askari Garoowe ku dilay gabadh ardayad ahayd

Wararka ka imaanaya magaalada Garoowe ayaa sheegaya in askari ka tirsan ciidamada booliska ee Puntland uu dil u gaystay gabadh ardayad ahayd.

Gabadhan oo la odhan jiray Ubax Yaasiin Cali ayaa u geeriyootay xabada uu askarigu riday.

Sida uu xaqiijiyey taliyaha qaybta booliska ee Nugaal G/sare Maxamed Cali Marduuf, askariga dilka gaystay ayaa boolisku gacanta u dhigeen.

Wuxuu intaaas ku daray in wali baadhitaan socdo sababta dhimashada gabadha.

Marxuumada ayaa la sheegay inay ahayd ardayad dhigata mid ka mida jaamacadaha ku yaalla magaalada Garoowe.

More in focus

To Top