Sida ay qortay wakaaladda wararka Reuters, maamulka Abiy Axmed ayaa sameystay guddi qarsoodi ah oo ay ku jiraan saraakiil sare oo ka soo jeeda qowmiyadda ugu ballaadhan Ethiopia ee Oromada, kuwaas oo u qaabilsan khaarijinta mucaaradka dowladda, si meesha looga saaro dadka Abiy ku kacsan.
In ka badan 30 mas’uul oo ka tirsan dowladda federaalka, maamulada hoose ee dalkaas, xukaamta maxkamadaha, qareenada iyo dhibbanayaasha oo la hadlay wakaaladda ayaa qiray jiritaanka kooxdan qarsoodiga ah oo lagu magacaabo KOREE NAGEENYAA oo micinaheedu yahay guddiga nabad geliyada, kuwaas oo shaqo bilaabay bilo kadib, markii uu xukunka Ethiopia la wareegay Ra’iisul wasaare Abiy Axmed sannadkii 2018-kii.
Shan sarkaal oo isugu jira kuwa xilka ka haya maamulka Abiy iyo kuwo hore ayaa sheegay in kooxdan ay laf-dhabar u tahay dagaalka Abiy uu kula jiro jabhadda xornimo doonka Oromiya ee OLA loo soo gaabiyo.
Si looga takhaluso dhaq-dhaqaaqa Oromada, waxaa hoggaanka kooxda qarsoodiga ah loo dhiibay shan sarkaal oo ka soo jeeda Oromada, kuwaas oo ku jira maamulka Abiy.
Qowmiyadda Oromada ayaa muddo dheer qabtay tabasho ku saabsan in loo dulmiyay siyaasad iyo dhaqanka ahaan, waxayna doonayaan in ay helaan xoriyad ballaadhan.
Sannadkii 2019-kii ayaa waxaa gobolka Oromiya ka qarxay rabshado sababay barakaca boqolaal kun oo shacab ah, dowladda Abiy ayaa ku eedeysay in qul-qulatooyinkaas ay ka dambeeyeen dhaq-dhaqaaqa OLA, Jabhaduna waa ay beenisay eedaas.
Rabshadahaas dadka ku dhintay waxaa kamid ahaa Milkessa Gemechu oo ka tirsanaa guddiga dhexe ee xisbiga Abiy ee BARWAAQO.
Dadka sida dhow ula socday howlgalada kooxda qarsoodiga ee KOREE NAGEENYAA ayaa sheegay in daraasiin dad ah dilkooda la amray, isla markaana la xidh-xidhey boqolaal qof oo kale, waxaana kamid ah xasuuqii loo geystay 14 qof oo xoolo dhaqato ahaa 2021-kii, dhacdadaas oo dowladdu ku eedeysay in ay dagaalyahnada OLA ka dambeeyeen.
Cadeymaha Reuters soo uruurisay ayay hor dhigtay guddiga qaran ee xuquuqul Insaanka Ethiopia, agaasimaha guddiga Daniel Bekele ayaa qirey jiritaanka kooxda qarsoodiga ah oo Abiy ku beegsado shacabka siyaasadiisa ka soo hor jeeda.
Xafiiska Abiy iyo is maamulka Oromada labaduba way diideen in ay ka hadlaan eedeymaha loo soo jeediyay oo ah xasuuuqa shacabka iyo siyaasiyiinta mucaaradka ku ah maamulka Addis Ababa.
Kulamada kooxdan qarsoodiga ah ayaa ka dhici jirey ama lagu qaban jirey xafiiska Xisbiga Abiy ku leeyahay Oromiya, agaasimihii hore ee xafiiska Abiy Shimelis Abdisa ayaa hogaaminaya Oromiya, ninkan ayaa xubin ka ah kooxda, waxaa kale ku jira Fekadu Tessema madax xisbiga Abiy ee Oromiya, madaxa nabad geliyada Ararsa Merdasa iyo saraakiil kale oo ka tirsan siyaasadda iyo ammaanka gobolka Oromiya.
Xasuuqa qabaa’ilka la-taliye hore ee madaxweynaha, sida maamulka Oromiya Shimelis waxaa uu Reuters u sheegay in dilalka iyo xadhigga dadka bartilmaameedka ah ay bixin jireen madaxweynaha Oromiya ama taliyaha booliiska gobolka ee Ararsa sida xasuuqii dhacay December 2021.
Dilkaas ayay dowladdu ku sheegtay in uu la xidhiidho khilaaf gudaha ah, balse Reuters ayaa daboolka ka qaatay in dowladdu qarisay xaqiiqada sida ay wax u dhaceen, sida ay ku warrameen dad goobjoog ahaa.
November 30, 2021 dagaalyahnada OLA ayaa dilay 11 kamid ah ciidanka booliska Itoobiya ka tirsanaa, halka 17 kale ay dhaawaceen kadib weerar dhabo-gal ah oo ka dhacay dooxada weyn ee Rift Valley ee dalka Itoobiya.
Madaxda gobolka iyo kuwa ammaanka deegaanka oo arrintaas ka jawaabaya ayaa dad shacab ah oo ay ku jiraan madax dhaqameed ku leeyahay ayagoo ku eedeeyay in ay gacan saar la leeyihiin jabhadda OLA.
Kooxda qarsoodiga ah oo Abiy Axmed u sameystay sidii uu xukunka ku joogi lahaa ayaa waxaa ay meelo qarsoodi ah ku xidheen in ka badan 1006 qof, intii u dhexeysay sannadihii 2019 ilaa march 2022-kii.
Warbixin guddiga qaran ee xuquuqul insaanka Ethiopia ay soo saareen 2021-kii, waxay ku sheegeen in ay wareysteen 281 maxbuus oo ku kala xidhnaa xabsiyo ku kala yaalla 21 saldhig boolis oo ku firidhsan guud ahaan gobolka Oromiya ayaa sheegay in kooxda Abiy ay hor istaageen in ay cadaalad helaan.