Connect with us

somalilandtoday.com

Labada urur siyaasadeed ee Ubax iyo Daljir Oo maanta ku biiray xisbiga WADDANI

focus

Labada urur siyaasadeed ee Ubax iyo Daljir Oo maanta ku biiray xisbiga WADDANI

Labada urur siyaasadeed ee Ubax iyo Daljir Oo maanta ku biiray xisbiga WADDANI

Labada urur siyaasadeed ee Ubax iyo Daljir ayaa maanta ku biiray xisbiga mucaarad ah ee Waddani.

Labada siyaasi ee Baashe Cabdi Gaboobe iyo Saleebaan Daahir Dogax, oo kala hoggaaminayay labadan urur ayaa cududooda maanta ku biirshay Waddani.
Ubax iyo Daljir ayaa ka mid ahaa ururradii aan ku guullaysan tartankii kala reebka ururrada siyaasadda Somaliland.

Musharrax Cabdiraxmaan Cirro, ayaa muddooyinkan waday dedaallo uu siyaasaddiisa ugu qancinayo siyaasiyiinta kale ee Somaliland.

More in focus

To Top