Connect with us

somalilandtoday.com

JABUUTI iyo Turkiga oo heshiis dhanka ciidammada ah kala saxeexday

focus

JABUUTI iyo Turkiga oo heshiis dhanka ciidammada ah kala saxeexday

JABUUTI iyo Turkiga oo heshiis dhanka ciidammada ah kala saxeexday

Wasiirrada difaaca ee dalalka Turkiga iyo Jabuuti ayaa heshiisyo iyo hab-maamuusyo dhawr ah ku kala saxeexday magaalada Ankara, kuwaas oo ay ka mid yihiin heshiis iskaashi oo dhanka tababarka ciidammada ah iyo heshiis iskaashi oo dhanka maaliyadda ah.

Wasiirka gaashaandhigga Turkiga Yasar Guler iyo dhiggiisa Jabuuti Xasan Cumar Maxamed ayaa ka hor heshiiska kulan lagaga hadlayay arrimahaan ku yeeshay dalka Turkiga kadib markii Isniintii la soo dhaafay uu halkaa gaadhay wasiirka Jabuuti ka socda.

Labada mas’uul ayaa sheegay in iskaashigaan uu wax badan ka tari doono danaha labada dal.

Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa ku yaalla meel istiraatiiji ah oo ku teedsan gacanka cadmeed ee marinka badda cas.

Turkiga ayaa u muuqda inuu qaadayo tillaabooyin uu ku xoojinayo iskaashiga uu la’ leeyahay dalalka ku yaalla geeska afrika.

More in focus

To Top