Connect with us

somalilandtoday.com

Toogasho Khasaaro Culus Dhalisay Oo Ka Dhacday magaalada Kansas ee Dalka Mareykanka

focus

Toogasho Khasaaro Culus Dhalisay Oo Ka Dhacday magaalada Kansas ee Dalka Mareykanka

Toogasho Khasaaro Culus Dhalisay Oo Ka Dhacday magaalada Kansas ee Dalka Mareykanka

Hal qof ayaa la xaqiijiyay inuu dhintay ugu yaraanna ay 22 kale ku dhaawacmeen kaddib marki rasaas oodda lagaga qaaday taageerayaal iskugu soo baxay badhtamaha magaalada Kansas ee gobolka Missouri ee dalka Mareykanka.

Dadka la rasaaseeyay ayaa u badnaa taageerayaasha kooxda ciyaarta kubbad-tuurka Mareykank, taageerayaal u dabaal-dagayay guushi ay kooxda Kansas City Chiefs ay toddobaadkaan kasoo hoysay Koobka NFL ee Kubad-tuurka Mareykanka.

Taliyaha Booliska magaalada Kansas, Stacey Graves ayaa gelinki danbe ee Arbacadi wariyaasha u sheegtay, in weerarkaasi loo xidhay illaa iyo saddex qof kuwaas oo hadda la baadhayo.

Graves waxay sheegtay in aanan wali la ogeyn sababta ka danbeysa weerarka rasaasta loo adeegsaday ee shalay gelinki danbe ka dhacay magaalada Kansas ee dalka Mareykanka.

22 ka qof ee dhaawaca ah ayaa la sheegay in ay ku jiraan ugu yaraan 15 qof oo ay xaaladdooda aad u liidato. Sidoo kale 8 carruur ah la xaqiijiyay in ay ku dhaawacmeen toogashada ka dhacday Kansas City.

More in focus

To Top