Connect with us

somalilandtoday.com

Ivory Coast oo xalay markii saddexaad hanatay Koobka Qaramada Africa

focus

Ivory Coast oo xalay markii saddexaad hanatay Koobka Qaramada Africa

Ivory Coast oo xalay markii saddexaad hanatay Koobka Qaramada Africa

Xulka kubadda cagta dalka Ivory Coast ayaa ku guuleystay caawa Koobka Qaramada Africa, kaddib marki ay 2-1 kaga badiyeen xulka Nigeria, ciyaarti kama danbeysta aheyd ee ka dhacday garoonka Al-Xasan Wattaara ee magaalada Abidjan.

Goolka guusha waxaa Ivory Coast u saxiixay Sebastien Haller ciyaarta oo ay dhammaadkeeda ka dhinneyd 9 daqiiqo. Sidaasi ayayna Xulka Maroodiyaasha ku hanteen koobki saddexaad ee Africa.

Nigeria iyada ayaa goolka la hormartay qeybti hore ee ciyaarta, waxana madax ugu dhaliyay William Troost-Ekong, kaddib marki uu ka faa’iiday kubad uu u soo karoosay Samuel Chukwueze.

Hase yeeshee marti-geliyaasha tartanka ayaa ka daba-tagay, kaddib marki uu goolka barbarraha uu u dhaliyay laacibki hore ee AC Milan Franck Kessie.

Waxay sidoo kale noqdeen Ivory Coast, dalki ugu horreeyay oo isaga oo martigelinaya koobka qaada, tan iyo sannadki 2006-di, markaas oo ay Masar martigelisay kaddibna koobka ku guuleysatay.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.

More in focus

To Top