Connect with us

somalilandtoday.com

IGAD iyo Midowga Afrika oo go’aan ka gaadhaya heshiiska dhanka badda ee Somaliland iyo Itoobiya

focus

IGAD iyo Midowga Afrika oo go’aan ka gaadhaya heshiiska dhanka badda ee Somaliland iyo Itoobiya

IGAD iyo Midowga Afrika oo go’aan ka gaadhaya heshiiska dhanka badda ee Somaliland iyo Itoobiya

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu soo jeediyay in Itoobiya iyo Soomaaliya ay khilaafkooda xal ka gaaraan IGAD iyo Midowga Afrika.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya Amb. Meles Alem ayaa saxaafadda u sheegay in Itoobiya ay ka codsatay IGAD in ay ku baaqdo shir madaxeed kale oo lagaga hadlayo heshiiskii marin-badeedka ee bishii hore ee ay wada-galeen Madaxweynaha qaranka Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo raysal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed oo ay ka cadhootay Muqdisho. IGAD weli jawaab rasmi ah kama soo saarin codsiga Itoobiya.

Golaha Ammaanka, waxay 29-kii bishii January qabteen shir ciwaankiisu ahaa ‘Nabadda iyo Amniga Afrika’, iyadoo Soomaaliya ay codsatay shirkaas. Si kastaba ha ahaatee Goluhu wax faah faahin ah kama bixin shirkaas.

Si kastaba ha ahaatee, Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibbada Itoobiya Meles, wuxuu si cad u sheegay mowqifka Itoobiya intii lagu jiray shirkii golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

“Mawqifka Itoobiya waa in dadaalkeeda ku aaddan gelitaanka badda ay horseed u yihiin arrimo dhaqaale. Waxay kaloo ku saabsan tahay is-dhexgalka gobolka iyo sidoo kale arrin nabadeed iyo amni. Tani waa ajandaha cad ee ay Itoobiya ku celisay shirkii Golaha Ammaanka,” ayuu yidhi Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibbada Itoobiya Meles

More in focus

To Top