Connect with us

somalilandtoday.com

Mareykanka Oo Gacanta Ku Dhigay Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab Oo Ka Talaabay Xadka dalka Mexico

focus

Mareykanka Oo Gacanta Ku Dhigay Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab Oo Ka Talaabay Xadka dalka Mexico

Mareykanka Oo Gacanta Ku Dhigay Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab Oo Ka Talaabay Xadka dalka Mexico

Waaxda socdaalka iyo dhaqan galinta Canshuuraha ee dalka Maraykanka ayaa sii daysey natiijada warbixinta howlgallo qaatay laba toddobaad oo ay kula dagaalamayeen dambiyada ka dhanka ah carruurta iyo kuwa khatarta ku ah nabad galyada Maraykanka.

Howlgalada oo ka dhacay 25 magaalo iyo dhulka miyiga ah guud ahaan Maraykanka, ayaa lagu bartilmaameedsaday shaqsiyaad danbiyo galay oo si xor ah u watay dhadhqaaqooda. Basle markii danbe lagu helay dambiyo lidi ku ah ammaanka Maraykanka.

In ka badan 171 qof ayaa lagu qabtay howlgalka, boqol iyo saddex ka mida ayaa lagu helay danbiyo dilal ah iyo kufsi carruur, dadka la qabtay waxaa ka mid ah qof Soomaali ah oo ay waaxda Socdaalka Maraykanku ku sheegtay inuu ka tirsan yahay Ururka Alshabaab.

Badhtamihii bishii January ee sannadkan, afhayeenka Haya’adda Socdaalka iyo dhagangalinta Canshuraha ee Maraykanka ‘ICE’, Erin Bultje ayaa u sheegay warbahinta in qof Soomaali ah oo da’diiisu tahay 27 sanno uu Maraykanka ka soo galay meel u dhow San Ysidro ee gobolka California laakiin xiligaas wax baadhid ah lama marin badhtamihii march.

“Waxaan rabaa inaan ammaano shaqaalaheena sababta oo ah isla markii aan ogaanay taas – 48 saacadood gudahood – waa la qabtay, wuxuuna hadda ku jiraa xabsiga ICE, Waxaan u maleynayaa inay taasi tahay natiijo cajiib ah – marag u ah sida xirfada leh ,daacadda ah, iyo kartida shaqaalaheena.” Ayuu yidhi Patrick

More in focus

Advertisement

Feaured

To Top