Connect with us

somalilandtoday.com

Awood intee le’eg bay leeyihiin Xuutiyiinta Yeman?

focus

Awood intee le’eg bay leeyihiin Xuutiyiinta Yeman?

Awood intee le’eg bay leeyihiin Xuutiyiinta Yeman?

Xuutiyiintu waa koox laga tiro badan yahay oo ka soo jeeda buuraleyda Waqooyi-Galbeed ee dalka Yeman.

Waxay magaca ka qaateen aasaasihii xarakada oo la odhan jiray Xuseen Al-Xuuti.

Waxay dhawr dagaal la galeen hoggaamiyihii awoodda badnaa ee Cali Cabdalla Saalax horraantii 2000, wixii ka dambeeyay markii xukunka laga tuuray Cali Cabdalla Saalax intii uu socday kacdoonkii carbeed, waxay u soo dhaqaaqday kooxdu caasimadda Sanca, waxayna awoodda la wareegeen sannad kii 2014.

Madaxweynihii hore Cali Cabdalla Saalax oo ka cadhaysnaa in xukunka laga tuuray ayaa awoodda gacanta u galiyay xuutiyiinta 80% waddanka oo dhan.

Xuutiyiinta ayaa isna markii dambe khaarajiyay.

Tan iyo markii xukunka dalka faqriga ah ee carbeed ay la wareegeen Xuutiyiintu waxa ka dhacay dagaallo sokeeye oo aad u qadhaadh.

Qiyaastii 150,000 oo qof ayaa la dilay, iyadoo malaayiin kale ay ku tiirsan yihiin cuntada gargaarka.

Xuutiyiinta oo inta badan raacsan mad’habta saydiyiinta, waxayna ka yihiin 15% dadka reer Yeman, sidaas oo ay tahayna waxay isu arkaan in ay yihiin hoggaamiyayaasha saxda ah.

Haddaba sidee ayay uga duwan yihiin dadka intiisa kale?

“Sida guud waa dad dagaal iyo rabshad jecel, waa koox arxan daran,” ayuu yidhi Edmund Fitton-Brown oo ahaa safiirkii Ingiriiska u fadhiyi jiray Yeman sannadihii u dhaxeeyay 2015-2017.

More in focus

To Top