Connect with us

somalilandtoday.com

khilaafkii ka dhashay Xeerarka Doorashooyinka oo heshiis laga gaadhay

focus

khilaafkii ka dhashay Xeerarka Doorashooyinka oo heshiis laga gaadhay

khilaafkii ka dhashay Xeerarka Doorashooyinka oo heshiis laga gaadhay

Shir guddoonka labada Golle ee Baarlamaanka ee wakiillada iyo guurtida  ayaa maanta heshiis ka gaadhay murankii iyo khilaafkii ka dhashay Xeerarka Doorashooyinka ee labada gole u dhaxeeyay.

Shirka oo ay Shacabka Somaliland si weyn indhaha ugu hayeen natiijada kasoo bixi doonta ayaa waxa lagu heshiiyay arrimahan.

1 in Golaha Guurtidu hadda xeerka dib ugu celiyaan madaxweyne Biixi.

2 In madaxweyne Biixi, dib ugu soo celiyo Golaha Wakiillada xeerka, iyana ay u sii gudbiyaan Guurtida.

3 Guurtida ayaa iyana dib ugu soo celin doonta Wakiillada kadibna madaxweynaha ayaa loo gudbin doonaa.

4 in aan Golaha Guurtidu fasax gelin muddada hawsha lagu dhammaynayo oo la filayo in ay koobnaato.

More in focus

To Top