Connect with us

somalilandtoday.com

Raysal wasaarihii hore ee dalka Pakistan Imran Khan oo lagu xukumay 10 sanno xadhig ah

focus

Raysal wasaarihii hore ee dalka Pakistan Imran Khan oo lagu xukumay 10 sanno xadhig ah

Raysal wasaarihii hore ee dalka Pakistan Imran Khan oo lagu xukumay 10 sanno xadhig ah

Maxkamad ku taal Pakistan ayaa 10 sano oo Xabsi ah ku xukuntay Ra’iisul wasaarihii hore ee dalkaasi Imran Khan iyo wasiirkiisii  arrimaha dibadda Shaah Maxamuud Qureshi, waxaana lagu helay dambiga kiis la xidhiidha sirta Qaranka Pakistan oo la faafiyay.

Maxkamad  gaarka ah oo laga sameeyay xabsiga Rawalpindi ayaa ku dhawaaqday xukunka waxa loogu yeedhay kiiska shabakadda (cypher Case) kaas oo ku saabsan xidhiidho  dublamaasiyadeed oo Khan uu ku andacoonayo inuu ku caddaynayay eedeymihiisii ​​ahaa in sidii xilka looga qaaday 2022 ay aheyd shirqool.

More in focus

To Top