Connect with us

somalilandtoday.com

Nin xaaskiisa xalay ku dilay Hargeysa oo la soo qabtay.

focus

Nin xaaskiisa xalay ku dilay Hargeysa oo la soo qabtay.

Nin xaaskiisa xalay ku dilay Hargeysa oo la soo qabtay.

Ciidamada Booliska Somaliland ayaa sheegay inay gacanta kusoo dhigeen eedeysane Jamaal Daaha Cabdiraxmaan ina Sarco Axmed oo ahaa 54 jir ku eedaysan inuu Xalay Abbaaro 10:30kii Habeenimo ku dilay Xaafadda Shacabka ee Magaalada Hargaysa Marxuumad Sumaya Siciid Naasir oo ahayd Xaaskiisii

Boolisku waxa ay sheegeen in uu dilka u adeegsaday oo uu ku dilay Mindi ( Soodh)

Warbixin qoraal oo ay ku baahiyeen baraha bulshada ayaa waxa ay ku yidhaahdeen sida tan:

“Warbixin :- Ciidamada Booliska JSL ayaa gacanta kusoo dhigay eedeysane Jamaal Daaha Cabdiraxmaan ina Sarco Axmed 54jir oo ku eedaysan inuu Xalay Abbaaro 10:30kii Habeenimo ku dilay Xaafadda Shacabka ee Magaalada Hargaysa Marxuumad Sumaya Siciid Naasir oo ahayd Xaaskiisii waxaanu uu ku dilay Mindi ( Soodh)

Dedaal dheer iyo  hawlgallo ay sameeyeen Ciidanka Boolisku ayay kusoo qabteen Eedaysanahii  , waxaana hadda ku jiraa gacanta Ciidanka. Eedaysanaha iyo marxuumaduba waxay kasoo jeedaan dalka Yemen  , waxaana kiiskaasi baadhidiisa gacanta ku haya Hoggaanka Baadhista Dmabiyada (C.I.D).

Xafiiska Warbaahinta Ciidanka Booliska JSL .”

More in focus

To Top