Connect with us

somalilandtoday.com

Kulamadii u socday labada Shirgudoon ee Wakiillada iyo Guurtida oo natiijo la’aan ku soo dhammaaday.

focus

Waxaa natiijo la’aan iyo is afgaran-waa ku soo dhammaadey kulmo labadii cisho ee ugu danbeeyey Hargeysa uga socdey labada shirgudoon ee Golaha Wakiilada iyo Golaha Guurtida.

Guddoomiyaha Golaha wakiilada Yasiin Faratoon ayaa ku adkeystay inay sharci tahay xeerka Doorashooyinka ee Golihiisu u gudbiyey madaxweyne Muuse Biixi, isla markaana  arrintani ay tahay mid dhex taala Golaha wakiillada iyo xafiiska madaxweynaha.

Sidoo kale Guddoomiye Faratoon  waxaa uu si adag uga diiday Guddoomiyaha Guurtida inuu   soo celiyo warqadii uu dhawaan Faratoon u qoray Madaxweyne Muuse Biixi ee jawaab celinta aheyd.

Gudoomiye Yasiin Faratoon waxuu ku dooday in Xeerka Doorashooyinka uu golihiisu si sharciga waafaqsan ugu gudbiyey madaxweyne Muuse Biixi, isla markaana uu xeerkaas dhaqan geli doono haddii uu madaxweynuhu ku saxeexi waayo ama golihiisa ugu soo celin waayo muddo 21 Cisho ah.

9 maalmood oo kaliya ayaa ka hadhey xiligii xeerkaas dhaqan geli lahaa.

More in focus

To Top