Connect with us

somalilandtoday.com

Dhacdo argagax leh: Nin xaaskiisa iyo caruurtiisa ku gubay guri ku yaalla Muqdisho

focus

Dhacdo argagax leh: Nin xaaskiisa iyo caruurtiisa ku gubay guri ku yaalla Muqdisho

Dhacdo argagax leh: Nin xaaskiisa iyo caruurtiisa ku gubay guri ku yaalla Muqdisho

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dhacdo xanuun badan, isla markaana argagax leh oo xalay ka dhacday magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Dhacdadan ayaa timid kadib markii nin kamid ahaa dadka deegaanka uu guri ku yaalla degmadaas uu ku gubay xaaskiisa iyo caruurtiisa, kadibna uu baxsaday.

Wararka ayaa sheegaya in ninka uu hinaasay, kadibna uu sidaas dab ku qabadsiiyay guriga oo ay ku sugnaayeen xaaskiisa iyo carruurtiisa.

“Caag shidaal ku jiro ayuu watay guriga ayuu ku shubay, kadib leetar ayuu soo qaatay, wuuna gubay” ayuu yidhi qof kamid ah dadka deegaanka oo ka warbixinayay faafiyay.

Sidoo kale waxa uu intaasi kusii daray “Wuu ku xidhay qolka markii uu dabka ku qabtay , kadibna wuu ka cararay”.

Haweeneyda oo lagu magacaabo Luul Cabdicasiis ayaa la sheegay inay lahayd uur lix bilood ah, waxaana deg-deg ah, ayada oo dhaawac ah loola cararay cisbitaalka.

Waxaa sidoo kale dhaawac uu soo saaray wiil yar oo isna lagu magacaabo Sayd Cali Macallin Daa’uud.

Arrintan ayaa la yaab ku noqotay reer Muqdisho, maadaama ay tahay dhacdo ugub ah oo si weyn looga argagaxay, sidoo kalena si aad ah looga hadal hayo baraha bulshada.

More in focus

To Top