Dowladda Suudaan ayaa sheegtay in ay hakisay xubinimadeedii urur goboleedka IGAD, oo ah urur ay ku mideysan yihiin dalalka ku yaalla bariga Afrika kadib markii xubnaha kale ee ururka ay isku dayeen in ay dhexdhexaadiyaan dhinacyada isku haya dalkaas.
Wasaaradda arrimaha dibadda, oo daacad u ah Abdel Fattah al-Burhan, ayaa ku dhawaaqay warkan ah in ayna la sii shaqeyn doonin IGAD.
War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ayaa lagu sheegay in Burhaan uu warqad u diray madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo hadda ah guddoomiyaha IGAD, si uu ugu sheego go’aanka dowladda Suudaan ay ku laashay xubinnimadii ururkan.
“Dawladdu waxay toddobaadkan ku dhawaaqday inay joojisay xidhiidhkii ay la lahayd ururkan ka hor shir ka dhacay Uganda Khamiista, ka dib markii ay ku casuuntay madaxa RSF Mohamed Hamdan “Hemedti” Dagalo.”ayaa lagu yidhi warka ka soo baxay dowlada Sudan.
Waxana ay xukuumada Sudan ku eedeysay urur goboleedka IGAD inuu ku xad-gudbay madax-banaanida Suudaan taasoo ay ku tilmaantay arrin halis ah.
Shir madaxeedkeedii Khamiista, IGAD waxay ku celisay baaqeeda ah xabad joojin degdeg ah oo shuruud la’aan ah.
Qiyaastii 7.5 milyan oo qof oo rayid ah ayaa ka qaxay dagaallada, ha noqdaan dibadda ama meelo kale oo dalka ah, sida lagu sheegay tirokoobyada Qaramada Midoobay.
War-murtiyeed ka soo baxay shirweynaha aan caadiga ahayn ee IGAD ayaa siiyey guud ahaan labada dhinac ee Sudan inay ku kulmaan muddo laba toddobaad ah.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Suudaan ayaa sheegtay in uu yahay qodobkan, oo la daray ajandaha iyada oo aan Suudaan ogolaansho laga helin, taas oo keentay in ay qaado tillaabo dheeraad ah oo lagu joojinayo xubinnimadeeda.
IGAD oo garab ka helaya Maraykanka iyo Sucuudiga ayaa marar badan isku dayey inay dhex dhexaadiyaan labada dhinac, taas oo aanay waxba ka soo bixin.
Ciidamada Sudan iyo kooxda Rapid Support Forces (RSF) ayaa muddo sagaal bilood ah ku dagaalamayay dagaal ay ku dhinteen kumannaan qof, ayna ku barakaceen in ka badan toddobo milyan.