Mudane Madaxweyne, labadan jid oo midkood aad qaado ayaa mustaqbalka Somaliland iyo kaagaba go’aamin doona
Laba sanno oo khilaaf siyaasaddeed oo doorashooyinka salka hayey ka taagnaa Somaliland, waxa laga dhaxlay kala qaybsanaan bulsho, dhaqaalihii oo wiiqmay, niyad jab bulsho iyo daneeyeyaashii caalamiga ahaa oo dib u gurtay, qaarkoona dhaqaalihii ay siin jireen Somaliland hakiyeen
Shan bilood ka hor ayaa odayaal isxilqaamay xal iyo talo soo jeedimo dhamaan dhinacyadu soo dhaweeyeen soo saareen.
Shan bilood ka dib weli ma dhamaystirna xalkii doorashada ee xeerarka is barkan loo beddelay, inkasta oo warka wanaagsani yahay in laba gole ee Wakiillada iyo Guurtida uu ka soo gudbay xeerarkani oo dhinac madaxweynaha tegayaan, inkasta oo la weriyeyba in loo gudbiyey Madaxweynaha.
Waxa soo baxaya walaac cusub oo ka digayaa in khilaaf cusub ka abuuro xeerarkaas Barlamaanku soo ansixiyey, ee Madaxweynaha loo gudbiyey/loo gudbinayo, taas oo durba warbaahinta ay ka sheegeen Mucaaradku.
Sida distuurka iyo Xeerarku dhigayaan xeerarka oo dhamaystay jaranjaradii dhinaca sharciga oo imika u hadhsan yahay inuu Madaxweynuhu qalinka ku duugo ama haddii uu ku arko waxyaabo distuurka ka hor imanaya wuxuu xaq u leeyahay inuu isaga oo sababaynaya uu ku celiyo Golaha Wakiillada ee u soo gudbiyey, iyaga oo ku raaci kara kana saari kara waxyaabaha uu soo jeediyo Madaxweynuhu, ama diidi kara.
Haddaba, dariiq aan ka ahayn oo la mariyo, waxa uu keeni karaa khilaaf horleh oo bilowgiisa la arki arko, balse dhamaadkiisa iyo cawaaqib xumada ka dhalataa ay noqon karto mid aan la sadaalin karin, kana adag kii hore, madaama oo kalsoonidii la kabkabay ee dhinac doorashadu meesha ka baxayso.
Duruufaha adag ee waddanka ka jiraa, kala qaybsanaanta, qabyaalada, kuwa gobolka ka jira oo imika Somaliland dhexda kaga jirto iyo kuwa kale ee adduunka ka taaganba, khilaaf cusub oo abuurmaa jilayaal kale oo aan ahayn kuwii gudaha ayaa ku sii shubi kara shiidaal, waana mid mugdi weyn gelin karta Mustaqbalka iyo jiritaanka Somaliland, haddii aan si masuuliyadi ku jirin aan looga hor tegin loona maarayn dhamaystirka heshiiskii khilaafka doorashada lagu soo afjaray.
Mid ugu weyna waa saameyn amni ee ka dhalan karta khilaaf siyaasaddeed oo dib u curta, taas oo fursad siin karta kooxaha aragixisada ah, ee soo hanjabaya, dad kale oo iyagu fursad raadis ah iyo dawladdaha kale ee ka faa’idaysta meelaha mushkiladu ka jiraan.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa la gudboon in uu qaato doorkii Hoggaamiyenimo ee uu kaga gudbi lahaa Imtixaan adag oo horyaala, oo badheedhihiisa iyo go’aanka siyaasaddeed ee uu ka qaatay arrimaha mandaqad ka jira uu kaga gudbi karo, kana midho dhalin karo arrintaas haddii uu ka fogaado waxkasta oo soo celi kara khilaafkii gudaha, waana inuu go’aan masuuliyaddeed ka qaato arrinta doorashooyinka.
Si kastaba ha ahaatee, mustaqablka iyo jiritaanka Somaliland, wuxuu ku xidhnaan karaa kolba sida uu u maareeyo Madaxweynuhu arrinta doorashooyinka iyo xeerarkooda Barlamaanku soo ansixiyeen.
Saleebaan Saxansaxo, Suxufi iyo Fallan-qeeye arrimaha Siyaasadda.