Connect with us

somalilandtoday.com

Janaraal sare oo ka hor yimid dagaalka Netanyahu ee Gaza

focus

Janaraal sare oo ka hor yimid dagaalka Netanyahu ee Gaza

Janaraal sare oo ka hor yimid dagaalka Netanyahu ee Gaza

Xubin muhiim ah oo ka tirsan golaha dagaalka ee Israa’iil ayaa ku eedeeyay Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu in aanu ka run sheegin hadafyada militari ee dalkaas ee Gaza.

Mr Netanyahu ayaa si cad u diiday baaqyada Mareykanka ee ah in laga fekero mustaqbal dal ay Falastiin yeelato, wuxuuna ku adkeystay in dagaalku uu socon doono “ilaa laga gaaro guul dhammeystiran”.

Balse Gadi Eisenkot – oo wiilkiisa lagu dilay Gaza – ayaa sheegay in dadka u ololeynaya “ka adkaansho dhab ah” oo Xamaas laga adkaado “ayna ka hadleynin runta”.

Janaraalkan howlgabka noqday ayaa sidoo kale sheegay in Netanyahu uu wax ku leeyahay mas’uuliyadda ku guul-darreysashada in dalka laga difaaco weerarkii 7 Oktoobar wuxuuna ku baaqay doorashooyin cusub, isagoo xusay inaysan “aaminaad” ka dhex jirin hoggaanka haatan ee Israa’iil.

Xamaas ayaa dishay qiyaastii 1,300 oo qof waxayna qafaalatay 240 kaddib weerar kedis ah oo ay ku qaadday koofurta Israa’iil.

More in focus

Advertisement

Feaured

To Top