Connect with us

somalilandtoday.com

Qof shacab ah ku geeriyooday iyo Saddex Askari oo ku dhaawacmay shaqaaqo saaka ka dhacday Masallaha Hargeysa.

focus

Qof shacab ah ku geeriyooday iyo Saddex Askari oo ku dhaawacmay shaqaaqo saaka ka dhacday Masallaha Hargeysa.

Qof shacab ah ku geeriyooday iyo Saddex Askari oo ku dhaawacmay shaqaaqo saaka ka dhacday Masallaha Hargeysa.

Hargeysa: Hal qof oo shacab ah ayaa geeriyooday, saddex askarina waa dhaawacmeen, kadib muran dhul oo sababay is rasaaseen oo saaka ka dhacay Masallaha Galbeed ee magaalada Hargeysa. Sida ay sheegeen ciidanka Booliska Somaliland.

War qoraal ah oo ay soo saareen booliska Somaliland ayaa lagu yidhi sida tan:

“Ciidamada Booliska JSL ayaa saaka ka hawlgalay shaqaaqo ka dhacday Masallaha Galbeed  , halkaasi oo ahayd muran dhul iskuna haysteen laba reer , mid kamida dadkaasi meesha isku haystay waxay weerar kusoo qaadeen Ciidanka Booliska waxaanay ka dhaawaceen saddex Askari .

Dhanka kale ,  dadkii weerarka soo qaaday ayaa  Ciidanku ka qabteen shan maxbuus iyo qoryahoodii , waxaana sidoo kale goobta ku geeriyooday hal qof oo shacaba .

Ciidanka Boolisku isagoo gudanaaya waajibaadkiisa wax uu la wareegay goobtii muranku ka jiray ,  haddana isaga ayaa gacanta ku haya amniga goobtaas.

Taliska Ciidanka Booliska JSL , wax uu bulshada u caddaynayaa cid kasta oo dagaal kala hortimaada Ciidamada Booliska ina uu tallaabo ka qaadi doono ku habboon , waxaanan u soo jeedinaynaa inay dadka caadaystay waxyaabahaasi inay ka waantoobaan.

Xafiiska Warbaahinta

Ciidanka Booliska JSL

Call Center 999.”

More in focus

To Top