Connect with us

somalilandtoday.com

Xuutiyiinta Oo Weeraray Markab Xamuul Oo Mareykanku Leeyahay

focus

Xuutiyiinta Oo Weeraray Markab Xamuul Oo Mareykanku Leeyahay

Xuutiyiinta Oo Weeraray Markab Xamuul Oo Mareykanku Leeyahay

Kooxda Xuutiyiinta Yemen oo taageero ka helaya Iiraan ayaa xaqiijiyay inay gantaal nooca baalistiga ah ku weerarreen markab xamuul oo laga leeyahay waddanka Mareykanka

Markabkaas oo la yidhaahdo Gibraltar Eagle, ayaa la weerarray xili uu marayay gacanka Cadmeed. Taliska milatariga Mareykanka ayaa sheegay, in ayna jirin waxyeello soo gaadhay markabkaasi la weerarray.

Shirkadda maraakiibta ee Eagle Bulk Shipping, ayaa sheegtay in markabka uu siday alaabo bir ah, wuxuuna ku dhowaad 160 kilo mitir ka baxsanaa xeebaha gacanka cadmeed markii la duqeynayay.

Xuutiyiinta ay Iiraan taageerto, ayaa tan iyo bishii November weerrar ku qaadayay marakiibta, iyagoo taageero ugu muujinaya dadka reer Falastiin iyo ururka Xamaas ee Qasa.

More in focus

To Top