Connect with us

somalilandtoday.com

Hindiya oo si weyn uga cadhootay tallaabo ay qaadday Safiirka Ingiriiska ee Pakistan

focus

Hindiya oo si weyn uga cadhootay tallaabo ay qaadday Safiirka Ingiriiska ee Pakistan

Hindiya oo si weyn uga cadhootay tallaabo ay qaadday Safiirka Ingiriiska ee Pakistan

Hindiya ayaa sheegtay in ay cabasho ka muujisay booqashadii dublamaasi sare oo British ah ay ku tagtay qeybta ay Pakistan maamusho ee gobolka Kashmir, iyadoo sheegtay in socdaalka toddobaadkan uu xad-gudub ku yahay “madaxbanaanida dhuleed ee Hindiya”.

Kashmir ayaa waxaa si buuxda u kala sheegta laakin qeyb ahaan u kala maamula labada dal ee deriska ah ee haysta hubka wax gumaada ee Hindiya iyo Pakistan, kuwaasi oo laba mar ku dagaallamay maamulka gobolka, islamarkaana marar badan ay dagaallo koo-kooban ku dhex mareen gobolka Himalaya tan iyo 1947-kii.

Wakiilka Sare ee Ingiriiska u fadhisa Pakistan Jane Marriott ayaa tobankii bishan iyadoo uu weheliyo sarkaal ka socda wasaaradda arrimaha dibadda ee Ingiriiska waxa ay booqasho ku tageen qeybta Kashmir ee ay maamusho Pakistan, sida ay wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Hindiya ku sheegtay bayaan ay soo saartay.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Hindiya Vinay Kwatra ayaa cabasha xooggan oo booqashada khuseysa u gudbiyay wakiilka sare ee Ingiriiska ee Hindiya, iyadoo wasaaraddu ay booqashada ku tilmaamtay mid “aan la aqbali karin”.

Afhayeenka Xafiiska Arrimaha dibadda Ingiriiska ayaan ka jawaabin cabashadan ka soo yeedhay Hindiya.

More in focus

Advertisement

Feaured

To Top